Advertisements

Ciidamada dowladda oo sameeyay howlgallo lagu xaqiijinayo sugidda ammaanka deegaannada laga xoreeyay Al-Shabaab.

Ciidammada dowladda Soomaaliya oo kaaashanaya ciidammada AMISOM iyo Shacabka waxey si awood leh kula wareegeen gobollada badan oo dalka ka mid ah, taasi oo ah mid muujineysa jabka kooxda Al-Shabaab gaaray oo u ku sii socda bur bur aan waqti badan ka harin, shacabka Soomaailyeed ayaa iyagana gacan weyn ka geystay in Al-Shabaab aysan dalka ku faafin ficilladooda arxan darrada ah, waxaana weli socda qorshaha arrintaasi looga hortagayo.

Sidoo kale Ciidammada ammaanka dowladda ayaa waxay sameeyeen howlgallo joogto ah, kuwaas oo Al-Shabaab ku noqday kuwii tirtiri lahaa magacooda, waxaana gacanka lagu soo dhigay dhagar qabayaal badan.

General Axmed Xasan Maalin oo ah Taliyaha qeybta G/Banaadir ayaa ammaanay doorka shacabka ay ka qaateen sugidda amniga, isagoo ku ugu baaqay shacabka in ay sii wadaan la shaqeynta ciidamada.

Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xuseen Carab Ciise, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in deegaannada ay ciidammada dowladda xoreeyaan laga hirgaliyo maamullo wanaagsan oo ay dowladdu hirgeliso, adduunkuna ay arrintaasi isla garteen, iyadoo shacabka deegaannadaasi ku nool dib looga dabiibayo dhibaatadii ay u geysteen gumeystayaasha Al-Shabaab.

Sida ay sheegeen Saraakiisha Sare ee Ciidamada in deegaan walba oo ay dalka ugu sugan yihiin malleeshiyaadka Al.Shabaab, waxaa ku wajahan duullaanka aan joogsiga lahayn ee ciidammada Xoogga dakla Soomaaliyeed, waxaana jirin rajo dambe oo dib ugu soo noolaado magaca Al-Qaacidda Soomaaliya.

SomaliSwiss    Baladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: