Qaar ka mid ah degmooyinka G/Banaadir oo ka billaabmay Qorshe dadka lagu tirakoobayo.

Qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxa uu si habsami leh uga soconaya qorshe lagu diiwaan gelinayo dadweynaha ku nool guryaha magaalada Muqdisho, ayadoo qorshahaasina uu qeyb ka yahay sugidda Ammaanka Caasimadda.

Sida uu inoogu soo warramay Waryaha SomaliSwiss ee magaalada Muqdisho wuxuu sheegay in qorshahan lagu diiwaan gelinayo dadweynaha ku nool degmooyinka Gobolka Banaadir uu hadda si gaar ah uga soconayaa degmooyinka kala ah, Xamarweyne, Xamarjajab, Shangaani, Boondheere iyo Waaberi, ayadoo dhammaanba degmooyinkaasi xaafadaha ku yaala guri guri loo diiwaan gelinayo.

Mudane Maxamed Yuusuf oo ah Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo wareysi siiyey qaar ka mid ah Warbaahinta ka howl gesha magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in qorshahaasi diiwaan gelinta uu ku socdo sidii loogu talagalay.

Sidoo kale Afhayeenku wuxuu sheegay in qoorshahan uu yahay go’aan ka soo baxay fadhigii ugu dambeeyay ee guddiga Amniga Qaranka oo uu shir guddoominayay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, maamulka gobolkuna uu billaabay dhaqangelinta go’aankaasi.

Sida runta ah waxaa todobaadyadii ugu dambeeyay soo hagaagayey ammaanka caasimadda, kadib markii ay ciidamada ammaanku caasimadda oo dhan ka billaabeen howlgallo dheeraad ah oo lagu soo qabqabtay kooxo ka tirsanaa shabaab oo liddi ku ahaa nabadgelyada.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: