Magaalada Nairobi oo xalay ka dhacay Qaraxyo waxyeelo ka soo gaartay Ciidan ka tirsan Booliska dalka Kenya.

Waxaa xalay  ka dhacay xaafadda Soomaalidu dagan tahay ee Islii ee magaalada Nairobi labo qarax oo ay waxyeelo ka soo gaartay Ciidan ka tirsan booliska ee dalka Kenya .


Sida ay sheegeen dadka deggan Xafadda waxaa qaraxii ugu horeeyey lala beegsaday goob lagu caweeyo halka kan kalana lagu weerary Ciidan ka tirsan Boliska Kenya, kaas oo dhaliyey dhaawac 3 askari oo hal saraakaal uu ku jiro.


Moses Ombati oo ah Taliyaha booliska magaalada Nairobi, oo u waramayay wakalada AFP ayaa xaqiijiyay dhawaca askartaas, wuxuuna intaa ku daray in qaarkood ay hadda wanaagsan yihiin, sidoo kale Taliyuhu wuxuu sheegay inay baaritaano wadaan iyadoona ay xaalad cabsi ah soo wajahday Soomaalida deggan Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.


Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi, balse booliska Nairobi ayaa la sheegay inay tuhunsan yihiin Xarakadda Al-Shabab oo horey looga bartay inay sheegtaan wixii waxyeelo ah ee ka dhaca dalka Kenya.

SomaliSwiss      Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: