Bannaan-baxyo dhiig ku daatay oo Saakay ka billaabmay caasimada dalka Masar.

War saakay naga soo gaaray Caasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaa sheegaya in dadweyne aad u careysan isugu soo baxeen bannaanbax ay ku diidan yihiin in Qaaliga Maxkamada Sare ee dalkaas laga qaado Xilka iyo qaar ka mid ah qareenada maxkamadaha ku yaala dalkaasi Masar, taasoo la sheegaya  in madaxweyne Mursi  uu qoorsheynayo inuu ku dhawaaqo maanta goor danbe

Sida la sheegay bannaanxayadan ayaa waxaa waxyeelo kasoo gaartay in badan 15 qof, kadib markii ay isku dhacyo magaalada Qahira ku dhex maray ciidamada rabshadaha ka hortaga ee dalkaasi iyo dadweynihii banbaxayey.

Wakaaladaha Wararka ee caalamaiga ah ayaa sheegayaan in  isku dhacyadaan ay bilawday kadib markii qareenaddu ay ka caroodeen xil ka qaadis M/weynaha Masar Max’ed Mursi uu doonayo inuu ku sameeyo gudoomiyaha maxkamada sare Cabdul Mawjuud Max’ud.

Dhanka kale Warar laga helay goobaha caafimaadka ayaa ku waramaya in 20 qof oo qaarkood ay dhaawacyo halis ah qabaan la geeyay isbitaalada magaalada gaar ahaan kan dawlada ee caasimada Qahira ku yaala.

SomaliSwiss      Qahira

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: