Qaraxyo ay ku dhaawacmeen illaa 3 Askari oo ka dhacay xaafada Islii ee magaalada Nairobi.

Qaraxyo xoogan ayaa gilgilay xaafada Islii (Eastleigh) ee magaalada Nairobi oo ay Soomaalidu deegaan ahaan ku badan tahay, halkaas oo lasheegay in ay dhaawcyo kasoo gaareen qaar kamid ah ciidamada Booliska.

Moses Nyakwama, Taliyaha Police-ka Nairobi ayaa saxaafadda u sheegay in qaraxyadaas ay ku dhaawacmeen Saddex kamid ah ciidanka Booliska, isla markaana aysan jirin cid ay qasaaro dhimasho ah ka soo gaartay, isagoo arrintaasi ku tilmaamay nasiib wanaag in qasaarihii kooxaha weerarka qaaday damacsanaayeen uusan wax yeello u geysan sidii ay u doonayeen wax uu ku tilmaamay cadowga Kenya.

Inkastoo warar faahfaahsan aysan kasoo bixin qaraxyada ayaa la sheegayaa inay yihiin labo qarax oo is xigay oo lala beegsaday ciidamada ammaanka ee Kenya, waxayna wararka qaarkood sheegayaan in ay macquul tahay in dhaawacu uu intaas ka badan karo.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad oo ka dhaca deegaankaas bilihii lasoo dhaafay, iyadoo weerar hore uu dhowaan ka dhacay isla xaafadda Islii, kaas oo lala beegsaday goob Kaniisad ah.

Si kasta ha ahaatee qaraxyadan ayaa kusoo beegmaya xilli ay dowladda Kenya ciidamadeeda gudaha u galeen dalka Soomaaliya, isla markaana iminka ku sugan gudaha magaalada Kismaayo.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: