Ra’isal wasaare Saacid oo mar labaad sheegay in uu soo dhisayo dowlad tayo leh oo la dagaalanta musuq-maasuqa una horseedda dalka horumar.

Waa markii labaad ee uu Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ku dhawaaqayo in dowladda uu soo dhisayo ay  nabadda dalka ku raadin doonto dib u heshiisiin, sidoo kalena uu soo dhisayo dowlad tayo leh oo la dagaalanta musuqmaasuqa una horseedda dalka inuu ka baxo dhibaatada uu muddada kusoo jiray.

R/wasaare Cabdi Shirdoon wuxuu sheegay inuu haatan ku jiro wadatashiyo ku aaddan sidii uu kusoo dhisi lahaa dowlad tayo leh, wuxuuna sheegay inuu la tashay la sameeyey baarlamaanka iyo qaybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed.

Ra’isal wasaaraha dowladda Soomaaliya, Cabdi Faarax oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Tan iyo markii la ii magacaabay Jagadan, waxaan ku jiray wadatashiyo aan la yeelanayo xubnaha baarlamaanka iyo qaybaha bulshada, taasoo ku aaddan sidii aan u soo dhisi lahaa dowlad tayo leh oo ku timid wadatashi.”

Sidoo kale Ra’isal wasaaruhu wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay mudnaanta koowaad siinayso soo celinta ammaanka iyo dib u heshiisiinta, isagoo xusay in xabbadu aysan ahayn xalka koowaad, kan labaad iyo kan saddexaad.

“Anigu ma qabo in xabbadu ay tahay xalka koowaad, kan labaad iyo kan saddexaad. waxaana muhiimadda ballaaran siin doonnaa dib u heshisiin, wadahadal iyo wadatashi,” ayuu yiri mudane Saacid.

Dhanka kale, Ra’isal wasaare oo wareysi siinayay VOA-da  wuxuu sheegay in ammaanka ay doonayaan inuu dalka ka hirgalo uu noqon doono mid ay qayb ka qaataan bulshada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ciidamada iyo xukuumadda keliya aysan nabadda dalka soo celin karin, balse ay garab uga baahan yihiin shacbka.

Ra’isal wasaaruhu wuxuu ka hadlay musuqmaasuqa isagoo sheegay in uu la dagaalmi doono musuqaasuqa, kaasoo uu ku sheegay inuu luminayo kalsooni ay shacabku ku qabaan dowladooda iyo in dowladdu ay isku halleyso shacabkeeda.

Si kasta ha ahaatee, Mudane Saacid wuxuu sheegay in waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay maskaxda ku hayaan ay tahay in dowladda iyo dadku ay is aaminaan ayna kalsoonadoodu gaarto inay wada-shaqeeyaan, sidaa darteed ay dowladdu noqon karto mid ay dadkeedu aaminaan.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: