Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigii uu hogaaminayey oo dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii uu ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 50 guuradii ka soo wareegtay xoriyada dalka Uganda.

Madaxweynaha Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamuudayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyay Taliyaha ciidanka XSD General C/qaadir Sheekh Cali Diin, agaasimaha hay’adda nabad sugida Qaranka Axmed Macalin Fiqi iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ku soo dhoweyay R/wasaaraha R/wasaaraha cusub, Wasiiro, Xildhibaano iyo shacab aad u badan, wuxuuna Madaxweynaha uu salaan sharaf ka qaatay ciidamada, iyadoo ciidamada baambeyda ay u garaacyeen astaanta Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu saxaafadda kula hadlay gudaha Garoonka isagoona ka warbixyay safarkiisa waxa uuna tilmaamay Madaxweynaha in uu ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 50 guuradii ka soo wareegtay markii ay xornimada dowladda Uganda ka qaadatay Ingiriiska taas oo ay ka soo wareegtay 50 sano.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Soomaaliya ayaa carabka ku dhuftay in uu kulamo gooni gooni ah uu la soo qaatay Madax ka tirsan beesha caalamka kuwaas oo ka qeyb galayay munaasabadaasi waxaana ka mid ahaa Madaxdii uu kulanka la qaatay Madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaabi iyo mas’uuliyiin kale.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: