Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom oo maanta Ku wajahan degmada Buurhakaba.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwada Midoowga Africa ee Amisom ayaa la soo warramayaa inay kaabiga ku hayaan degmada Buurhakaba, kadib markii maalin ka hor ka ruuqaansadeen deegaanadii ay qabsadeen ee u dhaxeeya degmooyinka Wanlaweyn iyo Buurhakaba.

Wararkan ayaa laga soo xigtay Gudoomiiyaha maamulka degmada Buurhakaba ee dowladda Soomaaliya Cali Cabdi Cali oo loo yaqaano Garuun, wuxuuna sheegay in Ciidamada ay u diyaarsan yihiin inay saacadaha soo socda ay galaan degmada Buurhakaba .

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwada Midoowga Africa ee Amisom ayaa tan iyo maalinimadii sabtida waday dhaq dhaqaaq ciidan ku wajahnaa wadada isku jira Muqdisho iyo Baydhabo, si ay isugu xiraan, isla markaana Ciidamada ay saanadooda milateri u gudbistaan.

Saraakiisha Amisom ayaa sheegay in degmada Wanlaweyn iyo garoonkii diyaaradaha Balli-doogle ay u suura gelineyso inay isku xiraan magaalada Muqdisho ilaa Baydhabo, oo xilligan boqolaal ka tirsan Amisom  ku sugan yihiin.

SomaliSwiss    Wanlaweyn

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: