Baladweyne Soomaaliya: 60,000 Qof oo la dhibaataysnaa colaad iyo fatahaad helay gargaar muhiim ah.

60,000 qof oo ay saameeyeen colaadaha iyo fatahaada magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxay helayan gargaar raashiin deg deg ah.  Intaas waxaa dheer, Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed ayaa waxay agab muhiim u ah hoyga iyo nolosha u qaybiyeen 39,000 oo qof kuwaasoo ka barakacay guryahooda fatahaada awgeed. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

ICRC War Saxaafadeed No. 12/199

11 October 2012

60,000 qof oo ay saameeyeen colaadaha iyo fatahaada magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxay helayan gargaar raashiin deg deg ah.  Intaas waxaa dheer, Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed ayaa waxay agab muhiim u ah hoyga iyo nolosha u qaybiyeen 39,000 oo qof kuwaasoo ka barakacay guryahooda fatahaada awgeed.

“Dadka Baladwenye waxaa soo gaaray qasaarooyin xoogan ka dib markii roobabkii mahiigaanka ahaa ee da’ay dabayaaqadii Sebtember sare u qaadeen heerarka Webiga Shabelle uuna ku fatahay magaalada,” sidaa waxaa yiri Maxamed Sheikh Cali oo ah isu duwaha mashariicda sugnaanta dhaqaale ee Soomaaliya. “Xeryaha dadka barakacay, goobaha ganacsiga iyo guryaha waxaa soo gaaray waxyeelo.”

Koox wadajir ah oo ka kooban 40 mutadawac iyo shaqaale ICRC iyo Bisha Cas ah ayaa durbaba u qeybiyay dadka ay saameeyen fatahaada bacaha roobka si ay u hagaajiyaan hoyga iyo darmo ka samaysan baco, Jeerikaano iyo maacuunta wax lagu karsado isla markaana u qaybiyay biyo nadiif maalin kasta.

Labada hayaddood waxay horay u caawinayeen dadka barakacayaasha ah isla markaana ka fulinayey deegaankaas mashaariic loogu talagalay hab nololeedka. 

“Colaad ayaa markii horeba sababtay dhibaato weyn magaalada Baladweyne. Haddana roobab iyo fatahaado ayaa waxay sababeen heerar sare oo burbur ah,” sidaa waxaa yiri Patrick Vial oo ah madaxa Ergada ICRC ee Soomaaliya. “Inagoo dhameynay qeybinta agabkan gabaadka iyo qoyska ah, wxaan iminka raashin u qeybinaynaa 39,000 oo qof oo ay saameeyeen fatahaadaha iyo 21,000 oo qof oo ay horay u barakiciyeen colaadaha. Waxaan siinaynaa hal bil raashiin ah oo ka kooban digir, bariis, boorish iyo saliid welina waxaana isha ku haynaa isbedelada xaalada aadaninimo.” 

Marka lagu darro qeybinta gargaarka deg deg ah,  ICRC-da waxay dayactiraysaa  biyo celino ku dherarsan Webiga Shabelle si loo yareeyo fatahaada mustaqbalka. 

ICRC waxay ka shaqeynaysay Soomaaliya tan iyo 1977. Iyadoo si dhow ula shaqeysana Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed, hayaddu waxay bixisaa taageero deg deg ah iyo mid fogba oo loogu tala galay in lagu xoojiyo isku filnaashaha bulshada.

Source: ICRC

%d bloggers like this: