Wasiirkii hore ee Ganacsiga Puntland oo canbaareeyey dilkii ka dhacay degmada Rako.

Cabdisamed Yuusuf Abwaan oo ahaan jiray Wasiirka Ganacsiga Xukuumadii Madaxweyne Cade Muuse oo Xalay la hadlayey warbaahinta Horseed Media ayaa canbaareeyey dilkii ka dhacay shalay Degmadda Rako ee Gobolka Karkaar.

Sidoo kale Wasiirku ayaa ugu baaqay beeshii ay ka soo jeedeen gacan ku dhiig layaashu & Xukuumadda Puntland inay si deg deg ah usoo qabtaan dadkii dhacdadaas ka danbeeyey isla markaana la hor keeno cadaalada si loo marsiiyo abaalkooda.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa wuxuu ka digay in colaadaas la sii wado, wuxuuna ka codsaday beesha dhibku gaaray inay muujiso dulqaad .

Ugu danbeyntii Wasiirku wuxuu u tacsi u diray qoyskii ay ka baxeen marxuumiinta maanta geeriyooday isagoo Eebe uga baryey inuu Janadii geeyo.

Isha warka Horseed Media

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: