Advertisements

Ra’isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo maanta la Kulmi lahaa Xildhibaannada Baarlamaanka oo kulankooda uu dib u dhac ku yimid.

Ra’isal wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa maanta la filayey in uu u jeediyo khudbad uu usoo bandhigi lahaa xildhibaannada baarlamaanka wax-qabadkiisa inta la ansixin ka hor oo maanta dhici lahaa ayaa dib u dhac ku yimid, waxaana dib u dhacaas lagu sheegay mid farsamo.


Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay in kulankan uu dib u dhacay, balse la qaban doono maalmaha soo socda, iyagoo sheegay in ra’iisul wasaaraha ay ka dhageysan lahaayeen khudbad ku aaddan xukuumadda lasoo dhisayo iyo waxay qabanayso.

Sidoo kale waxaan la sheegin xilliga uu kulankan qabsoomi doono, balse Ra’iisul wasaaraha oo la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay inuu soo dhisi doono dowlad tayo leh.

Ra’iisulwasaaraha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inuu dagaal adag la geli doono musuq-maasuqa wuxuu yiri: “Waxaan soo magacaabayaa gole wasiirro oo ku imaan doona aqoon, hufnaan iyo karti, waxayna ku imaan doontaa xukuumadda aan soo dhisayo wadatashi,” ayuu yiri

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaan weli helin  kalsoonida Baarlamaanka, wuxuu sheegay in xukuumaddiisa ay xoogga saari doonto sidii lagu adkeyn lahaa ammaanka dalka, sidoo kalena ay wax walba ku raadinayso nabad iyo dib u heshiisiin, isagoo sheegay in xalku uusan ku jirin dagaal.

Si kasta ha ahaadee Kulankan Baarlamaanka ee baaqday ayaa noqonaya kii ugu horreeyay tan iyo markii baarlamaanka Soomaaliya la dhaariyay, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn xilliga uu dhici doono kulankan midka xiga.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: