Advertisements

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamud oo Xalay magaalada Kampala ku qaabily jaaliyadda Soomaalida ee wadankaasi ku dhaqan.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenkii xalay waxaa uu magaalada Kambala kula kulmay kumannaan ka tirsan jaaliyadda Soomaaliya ee ku nool wadanka Uganda.

Kulankaas ayaa ka dhacday Hotelka Madaxweymuhu uu ka deggan yahay Kambala, wuxuuna  uga warramay isbedellada ka dhacay dalka iyo waxyaabaha ugu horreeyay ee dowladdu xoogga saari doonto.

Sidoo kale waxaa kulankaas ka hadlay Xubno ka tirsan Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Uganda, waxayna Madaxweynaha uga mahad celiyey kulanka uu Jaalliyadda la qaatay iyo sida uu waqtigiisa ugu huray inuu uga warbixiyo xaaladda uu dalka marayo iyo waxyaabaha u qorsheysan waxaana ay xubnihii Jaalliyadda u hadlay ballan qaadeen iney garab istaagayaan Dowladda cusub ee dalka ka dhalatay.

SomaliSwiss     Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: