Advertisements

Madaxweyne Xasan Sheikh oo si diiran loogu soo dhaweeyey dalka Uganda Isla xalayna ka qeybgalay casho sharaf loo sameeyay Madaxda Caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeybgalay munaasabad casho sharaf ah oo Madaxweynaha Uganda uu xalay ugu sameeyay magaalada Kambala ee Caasimada Uganda Madaxdii lagu casumay Sanadguurada 50aad ee Xoriyadda Dalkaas..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya oo shalay booqasho ku tegay magalada Kambala ee dalka Ugada isla markaana si heer sare ah halkaasi loogu dhaweeyay.

Sidoo kale Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka qotada dheer ee u dhaxeeya Labadal, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta ka qeybgeli doono munaasabadda xuska Kontonguuradii ka soo wareegay markii uu dalkaasi qaatay xorriyaddiisa.

Sida aad la socotaan Madaxweynaha Jmahuuriyada Federaalka Soomaaliyaayaa wuxuu Casuumad rasmi ka hekay Madaxweynaha dalka Uganda, waxaana lagu wadaa in Madaxweynaha uu kulamo gooni gooni ah uu halkaasi kula qaato qaar ka mid ah madaxda caalamka ee ku sugan dalkaasi Uganda, kuwaas oo ka qeybgalaya xuska maalinta xorriyadda dalkaasi Uganda.

SomaliSwiss          Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: