Madaxweynaha dalka Soomaaliya oo kulamo kula leh Kambala madax ka tirsan caalamka

Madaxweynaha Soomaaliya Prof. Xasan Sh.Maxamuud ayaa kulamo gooni gooni ah magaalada kambala kula leh qaar ka mid ah madaxda wadamada caalamka kuwaas oo ka qeybgalaya xuska maalinta madaxbannaanida dalka Uganda.

Sida uu warku nagu soo gaaray Madaxweye Xasan  wuxuu ilaa iyo hatan uu  la kulmay Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Talyaaniga oo ay ka wadahadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo sidii Talyaanigu u meel marin lahaa ballanqaadyadii uu hore u sameeyay sidoo kale Wasiir ku xigeenka Talyaaniga wuxuu sheegay in dowladdiisu ay iskaashi wanaagsan la sameysanayson  dowladda ka dhalatay dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynuhu intuusan ka dhoofin Soomaaliya wuxuu sheegay  in muddada uu joogo magaalada Kambala uu la kulami doono madax ka tirsan caalamka, waxaana maanta dalkaasi ka socda fantasyo loo sameynayo maalinta madaxbannaanida.

SomaliSwiss          Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: