Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo Maanta u ambabaxay dalka Uganda.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa maanta u dhoofay dalka Uganda, halkaas oo uu uga qaybgalayo munaasabad lagu xusayo 50-sano guuradii kasoo wareegtay markii Uganda ay xorriyadda qaadatay.

Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlayay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in safarkiisan uu yahay mid kooban oo uu uga qayb-galayo sannad-guuradii 50-aad ee kasoo wareegatay xorriyadda dalka Uganda, isagoona kulamo la qaadan doono dhigiisa dalka Uganda Uweri Musanfani.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya wasiiro ka tirsan dowladda, Taliyaha ciidanka XDS agaasimaha nabadsugida iyo saraakiil kale.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan oo la hadlayey warbaahinta wuxuu Yiri: “Waxaan u baxayaa safakeygii ugu horreeyay ee aan dibadda u aado, waxaana ka qayb-galayaan sannad-guuradii 50-aad ee kasoo wareegtay xorriyada Uganda oo uu igu casuumay madaxweyaha Uganda.”

Madaxweynaha Dalka Soomaaliya wuxuu sheegay inta uu ku sugan yahay Uganda inuu kula kulmi doono Madax  ka socota dalalka Afrika iyo kuwa caalamka, isagoo ka xusay Madaxweynaha dalka Kenya, Mwai Kibaki, Madaxweynaha Masar, Mursi iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda dalka Talyaaniga.

Madaxweynuhu oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Si dhaqso ah ayaan dalka ugu soo laabanayaa, waayo waxaa ii yaallo shaqooyin badan oo tallooyinkeyga u baahan ayaa dalka ka socda; inta aan maqanahayna waxaa howlaha socda lagala tashanayaan guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.”

Munaasabadda lagu xusayo markii Uganda ay xorriyadeeda ka qaatay dalka Britain oo berri ku beegan ayaa waxaa ka qaybgalaya madax ka socota afartan waddan oo ay Soomaaliya ku jirto, wuxuuna safarkan noqonayaa kii ugu horreeyay oo Madaxweyne  Xasan Sheekh uu dalka uga baxo tan iyo markii xilkan loo doortay.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: