Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday Ururka Iskaashiga Islaamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ku qaabilay wafdi ka socday Ururka Iskaashiga Islaamka, waxayna ka wada hadlay sidii ciidamo ka socda wadamada Islaamka loogu soo biirin lahaa Ciidamada AMISOM ee ka howlgala dalka Soomaaliya. HOOS KA DAAWO SAWIARADA

Wafdigan ballaaran ee ka socda Ururka iskaashiga Islaamka ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaanno OIC ee maanta soo gaaray caasimadda dalka ee Muqdisho waxaa hoggaaminayay xog’hayaha guud ee Ururkaas, Kaamuludiin Ixsaan Oglo, waxaana markii ay soo gaareen Muqdisho si wanaagsan ugu soo dhaweeyey wasiirro ka Tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo uu hor kacayey wasiirka Gaashaandhigga iyo masuuliyiin kale.

Sidoo kale kulankaas kaddib waxaa shir jaraa’id xarunta madaxtooyada ku qabtay xog-hayaha guud ee Ururuka Iskashiga Islaamka ee OIC Kamaaludii Ixsaan Oglo waxa uuna sheegay in markii ugu horeysay Ururka OCI ay la kulmeen dowladda cusub ee Soomaaliya, isagoo sheegay in Soomaaliyda ay muddo dheer la lahaayeen Iskaashi caalami ah, haddana ay qorsheynayaan in sidii loo ballaarin lahaa taageerada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, xog’hayaha ayaa ammaanay dowladdii KMG aheyd ee uu hoggaaminayey Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Mr Ogle oo ah  xog’hayaha guud ee Ururka OIC ayaa hoosta ka xariiqay in taariikh weyn ay u tahay in muddo 40 sano kaddib ay kulan la qaatan dowlad Soomaaliyeed oo taama, isagoo intaa raaciyey in taasi ay fududeeneyso Iskaashiga ka dhaxeeya.

Si kasta ha ahaatee waa markii ugu horeysay oo masuuliyiin ka socotay Ururka Iskaashiga Islaamka soo gaaraan caasimadda dalka ee Muqdisho tan iyo markii la unkay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheeh Maxamuud, taasi oo fursad weyn sidoo kale u ah taageerada dowladda Soomaaliya uga imaaneysa Ururrada caalamiga ah.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: