Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Somalia oo sheegay inay isku xirayaan Baladweyne, Muqdisho, Baydhabo iyo Kismaayo

Abaanduulaha CiidamadaXoogga Dalka islamarkaasna ah  Taliye ku xigeenka ciidamada milateriga Soomaaliya, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan) ayaa sheegay in qorshahoodu uu yahay mid ay ku doonayaan inay isugu furaan magaalada Muqdisho, degmada Baydhabo ee gobolka Bay, degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan iyo degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale Abaanduulaha ayaa sheeagy in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku wajahan yihiin degmada Baydhabo, kaddib markii ay la wareegeen degmada Wanla-weyn oo u dhexeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Baydhabo ee gobolka Bay.

Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan) oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri:”Qorshaheennu waa inaan isku furno magaalada Muqdisho, Baydhabo, Baladweyne iyo Kismaayo; howgalkaasuna wuu socdaa, dhawaanna waa la arki doonaan iyadoo degmooyinkaas la isku gudbayo iyadoo dhulka la isticmaalayo.”

Abaanduuluhu wuxuu sheegay inay muhiim tahay qabsahada degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada hoose, isagoo xusay inay marto waddada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Dhanka kale Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumud oo isna warbaahinta Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in qabashadii degmada Wanlaweyn sahlayso in la isku furo Baydhabo iyo Muqdisho, iyadoo la ogyahay in degmada Baydhabo ay ku sugan yihiin boqolaal askarta AMISOM ka tirsan.

Balse warnaga soo gaaray magaalada Baydhabo ayaa  sheegaya in Saakay uu dagaal culus ka dhacay duleedka magaaladaas, dagaalkaas oo u dhaxeeyey ciidamada Dowaldda Soomaaliya, kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Xoogagga Al-shabaab .

Warku wuxuu intaa uu ku darayaa in ugu yaraan lix qof  ay ku dhinteen oo ka kala tirsan dhinacyadii dagaalamay , sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in dagaal culus uu ka dhacay  deegaanka Goof-guduud ee duleedka Baydhabo, wuxuuna dagaalku uu socday in ka badan laba saacadood oo xiriir ah.
Guddoomiyaha gobolka Bay ee dowladda Soomaaliya, Cabdifataax Geesey oo warbaahinta la hadlayey wuxuu yiri: “Waxaan ku dilnay dagaalka laba dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan hubkoodiina waan ka qaadannay, waana la kala  eryey xoogaggii Al-shabaab“.
Xarakada Al-shabaab ayaa dhinaceeda guulo ka sheegatay dagaalka, waxayna sheegtay inay dileen askar ka tirsan kuwa dowladda iyo kuwa Itoobiya, balse dhinac walba ma uusan sheegin khasaaraha kasoo gaartay dagaalka.
Balse goobjoogayaal ku sugan deegaanka Goof-guduud oo 20-km dhinaca Koonfureed kaga beegan degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegay inay arkeen maydadka lix qof oo dhinacyadii dagaalamay ka kala tirsan. Iyadoo deegaanka lagu dagaalamay ay ku sugan yihiiin ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.

SomaliSwiss   Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: