R/wasaaraha Cusub ee dalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon’’Saacid’’ ayaa shalay caddeeyey in uu soo dhisayo xukuumad dhinac iska dhigta khilaafyadii ragaadiyay xukuumadihii hore.
R/wasaare Saacid oo gelinkii dambe ee shalay ka hadlay Munaasabaddi lagu magacaabay oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya ayaa sheegay in uu soo dhisidoono xukuumad tayo leh oo wax ka qabata dhibaatada adag ee dalka ka taagan.
R/wasaare Cabdi faarax Shirdoon oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “waxaan ballanqaadayaa in aan soo dhiso xukuumad tayo leh oo dalka u horseedda horumar, anigoo la tashanaya madaxweynaha iyo mudanayaasha Baarlamanka, umana dulqaadandoono musuqmaasuq, waxaana dhinac iska dhigidoonaa khilaafkii ragaadiyay xukuumadihii hore.’’
Sidoo kale R/wasaare Saacid ayaa noqonaya R/wasaarihii ugu horreeyay ee hoggaamiya Xukuumad aan KMG aheyn muddo Labaatan sano ah kadib, balse dad badan ayaa sugaya sida uu uga soo dhalaalo howsha culus ee loo igmaday.
SomaliSwiss     Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.