Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo gacan ka helaaya kuwa Amisom ayaa waxay maanta Aroortii gudaha galeen degmada Wanlaweyn ee G/Sh/Hoose,warku wuxuu intaa uu ku darayaa in kadib markii
ay degmadaas faarujiyeen Maleeshiyada Xarakada Al-Shabaab ay shacabka degmadaasi bililiqo baahsan ay u geysteen xarumihii ay degganaayeen shabaab ka hor inta aysan ciidamadu gaarin.
Sida lagu soo warramay dadka ku nool degmadaasi ayaa saaka u baryay waa nabadeed, iyagoo dareemay xorriyad buuxda sanado kadib, waxayna isugu soo baxay waddooyinka Magaaladaasi, iyagoo soo dhaweeynaya ciidamada XDS iyo kuwa Amisom oo xalay ku baryay duleedka magaalada Wanlaweyn, iyadoo Malleeshiyaadkii Shabaab iyo horjoogayaashoodiiba ay xalay ka huleeleen magaaladaasi.
Goobihii la bililiqeeystay ayayaa waxaa ka mid ah xarumihii ay Malleeshiyaadkaasi ka degganaayeen magaaladaasi, sida saldhigga Booliiska, Xaruntii degmada iyo guryo ay si gaar ah u degganaayeen horjooyaasha kooxdaasi waxayna ka soo qaateen agabkii halkaasi yaallay.
Generaal C/kariin Yuusuf Aadan Dhegabada oo ah Abaanduulaha ciidamada XDS oo qaar ka mid Warbaahin la hadlay ayaa wuxuu sheegay in ciidamadu ay xalay ku baryeen duleedka magaaladaasi balse ay si taxadar leh saaka u galeen gudaha magaaladaasi, iyadoo aan shacabka la argagax gelin.
Si kasta ha ahaatee howlgalkan ay ciidamadu kula wareegeen magaalada Wanlaweyn ayaa waxa ay qeyb ka tahay qorshaha ciidamada XDS iyo kuwa Amisom ay dalka kaga xoreeynayaan Malleeshiyaadka Shabaab, si dalkeenna looga dhigo meel ka caaggan argagixisada Al-shabaab iyo Alqaacidda.
SomaliSwiss     Wanlaweyn
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.