Beesha Caalamka oo soo dhaweeysay magacaabista R/wasaaraha Cusub ee Soomaaliya.

Xafiiska siyaasadda u qaabilsan Qaramada Midoobey arrimaha Soomaaliya ee markii la soo gaabiyo magaceeda yahay “UNPOS“ ayaa si weyn u soo dhaweeyey magcaabista Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ee uu shalay Madaxweyne Xasan Sheikh uu magcaabay.

Ugu horreyntii wakiilka gaarka ah ee ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dr. Augustine Mahiga ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay magcaabista Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu tilmamay inay soo dadajineyso dhammeystirka dhismaha hey’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo howlo badan ay horyaallaan.

Dr. Augustine Mahiga oo arrintaas ka hadadlayey wuxuu yiri: “waxaan ugu hambalyeynayaa mudane Cabdi Faarax Shirdoon xilka culus ee uu ummadda Soomaaliyeed u qaaday, waxaana rajeynayaa in uu gudan doono waajibaadkiisa qaran, waa xilli aad u wanaagsan waa Ra’iisul wasaare nasiib badan. waxaana ballan qaadayaa inaan xoojiyo taageerada uu xafiiskegya uga baahantahay xukuumadda uu soo dhisi doono.”

Waxaa kaloo magacaabista Mudane Saacid soo dhaweeyey Ergayga Midoowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele C. d’Urso oo isna sheegay in Midowga Yurub ay soo dhaweynayso magcaabista Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, isla markaana ay ballan qaadayso in ay soo buuxiyaan kaalinta taageeradooda ee dowladda u curatay Soomaaliya.

Ergayga Midoowga Yurub wuxuu intaa raaciyey in xilligan loo baahan yahay dardargalinta iyo dhismaha hey’addo fuliyo adeegyada la sameeyey oo si rasmi ah daaha uga rogga waxa ay qabanayaan.

Dhanka kale  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ra’iisul wasaaraha dalka ku magcaabay waqtiga uu siiyey Dastuurka qaranka ka hor, isagoo wadatashi dheerna u galay xulista shaqsiga uu doonayay in uu u xusho Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

SomaliSwiss      Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: