Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Soomaaliya ay si toos ah ugu mid noqoatay heshiiska Caalamiga ah ee ka hortagga qatarta Miinooyinka, kaddib markii ay si toos ah ugu biirtay Dowladaha heshiiskaasi qeybta ka ah oo haatan ay ku noqoneyso dowladda 160-aad ee qallinka ku duugtay Heshiiskaasi.
Sida warbin ay soo saartay Qaramada Midoobay lagu sheegay in Soomaaliya la siin doono Qalab loogu talagalay ka hortagga Miinooyinka, gaar ahaan kuwa dhulka lagu Aaso, maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay meelaha ugu badan ee ka dhaca qaraxyada Miinooyinka.
Si kasta ha ahaatee Kulankii lagu Aas-aasay ka hortagga qatarada Miinooyinka oo ka dhacay Magaalada Oslo ee dalka Norway sanadka markuu ahaa 1997-dii, ayaa Dowladihii ku bahoobay heshiiskaa ay qalanka ku duugeen in laga dhabeeyowaxyaabaha qatarta ku nolosha aadanaha,waxaana kullankii ku xigay uu dhacay 1999-kii ay gaareen Xubnaha heshiiskaasi Saxiixeen illaa 155-dowladood,sidoo kale xilligaasi wixii ka dambeeyay soo kordhayay baahida dowlado dhowr ah ay u qabaan inay qeyb ka noqdaan heshiiskaasi.
SomaliSwiss     Oslo
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.