Hay’adaha Amaanka Qaranka oo maanta ka wadahadaleen xaaladda amaan ee magaalada Muqdisho.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan  isugu yimadeen hay’adaha amaanka Qaranka waxayna ka wada hadleen xaaladda amaan ee magaalada Muqdisho, wuxuuna ka digay in banaanbaxyo lagu dhigo gudaha magaalada Muqdisho ay qatarteeda leedahay.

Sidoo kale kulanka ay maanta yeesheen gudiga amaanka Qaranka ayaa waxaa lagu qabtay taliska ciidamada Booliska ee Muqdisho waxaana ka qeyb galay wasiirka Difaaca dalka, Wasiirka arrimaha gudaha, Taliyaha ciidamada XDS, Taliyaha ciidanka Booliska, Agaasimaha hay’adda nabad sugida iyo Taliyaha ciidanka Booliska AMISOM.

Kulankan oo socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaalada amaan ee magaalada Muqdisho waxaana goobta la isku dhaafsaday aragtiyo kala duwan oo ku aadan wax ka qabashada xaaladda dalka gaar ahaan tan Muqdisho.

Wadahadal dheer kadib markii uu soo gaba gaboobay kulanka ayaa waxaa saxaafadda la hadlay qaar ka mid ah xubnihii ka qeyb galay kulanka oo ay ka ka mid ahaa Wasiirka difaaca dalka Soomaaliya  Mudane Xuseen Carab Ciise oo ugu horeyn la hadlay warbaahinta wuxuu sheegay in xaaladda amaan ee Muqdisho ay tahay mid la’isku haleynkaro isagoona shacabka uga mahad celiyay sida wanaagsan oo ay ciidamada ugarab taaganyihiin.

Wasiirka difaaca dalka Soomaaliya wuxuu caddeeyey in aan loo dulqaadan dooni cid waliba oo loo arko in ay carqalad ka wado gudaha magaalada Muqdisho, wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay sii laba jibaaraan sida ay haatan ula shaqeynayaan ciidamada.

Sidoo kale Wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka Mudane C/samad Macalin Maxamuud oo isna la hadlay saxaafadda ayaa tilmaamay in howlgaladii ka socday Muqdisho ay galeen wijigii labaad, waxa uuna ka digay in aan si sharcidaro ah aan loo ridikarin xabad isagoona ku baaqay in aan la dhigikarin Banaanbaxyo.

Waxaa kaloo uu saxaafadda la hadalay Taliyaha Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini oo si aad ah uga mahad celiyay Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya howlgalada sida joogtada ah ay uga wadaan gobolada dalka kuwaas oo lagu cirib tirayo haraadiga kooxda shabaab.

Dhanka kale waxaa ugu dabmbeyntii warfidiyeenada la hadlay Taliyaha ciidanka Booliska Shariif Sheekhuna Maye waxa uuna qeexay In laga bilaabo maanta aan magaalada lagu arki Karin gaari socdo Taargo la’aan, wuxuuna shacabka uga digay in ay isticmaalaan gawaari aan laheen Taargo.

Balase Taliyuhu wuxuu ku booriyay ciidamada nabad galyada wadooyin in ay talaabo sharici ah ka qadaan cidii ay ku arkaa gaari aan taargo laheen.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: