Madaxweynaha Soomaaliya oo Xalay wada-hadallo la yeeshay Xubno uu u soo xulay qabashada jagada ra’isal wasaaraha cusub.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa xalay kulan wada-hadal ah la yeeshay saddex  xubnood oo ka soo baxay dhowr xubnood oo u taagnaa qabashada xilka ra’iisul wasaaraha, iyadoo lagu wado in Madaxweynuhu uu Ra’iisul wasaaraha ku dhaawaqo 48-ka saacadood ee soo socda.
Xubnaha ugu cad-cad ee uu Madaxweynuhu la kulmay ayaa waxay kala yihiin: 

1 – Mudane Cabdulqaadir Faarax Shirdoon (Saacid) oo ah ganacsade deggen dalka Kenya, kana mid ahaa xubnihii wax ka dhisay xisbiga Rajo iyo xisbita nabadda iyo horumarka ee uu kasoo jeedo madaxweynaha Soomaaliya.

2 – Mudane Cali Ciise Cabdi oo isna ah mas’uul horay uga soo shaqeeyay Bankiga Adduunka isla markaana deggen dalka Itoobiya, waxaana mas’uulkan olole ugu jira inuu xilkaas qabto maamulka Khaatumo oo uu deegaan ahaan kasoo jeedo.

3 – Mudane Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo ah mas’uul in badan siyaasadda ku soo jiray, ahaana wasiirkii qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland,, waxaana lagu xusuustaa inuu sare u qaaday xiriirka Puntland iyo dalalka kale ee caalamka markii xilkan loo magacaabay.

Si kasta ha ahaatee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu Ra’iisul wasaaraha ku dhawaaqo labada casho ee soo socota, iyadoo xilligii uu haystay ay ka dhiman tahay wax ka yar hal toddobaad.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: