Lahaystihii Fransiiska ahaa ee Al-Shabaab haysteen oo madaxweynaha dalkiisa ka codsaday inuu gacan ka gaysto sii deyntiisa.

Muwaadinkii Denis Alex oo ay kooxo hubaysan ka Afduubteen Hotelka Saxafi mudo hada laga joogo Seddax Sano, isla markaana la la’aa warkiisa ayaa Maanta waxaa Farriin qoraal iyo Cod ah oo lagu baahiyay website-yada taabacsan maleshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee weli ka dagaalanta  Soomaaliya lagu sheegay in uu fariin u dirayo xukuumadiisa, iyadoo dowladda Fransiska ay beryahan wadday xog raadin ku saabsan halka uu ku danbeeyay Ninkaasi. HOOS KA DAAWO VIDEO-GA

Farriintan lagu baahiyay website-yada taabacsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Maxbuuskii Faransiiska ahaa uu weli ku jiro gacanta kooxdaasi, isla markaana ay sheegeen in uu farriin u dirayo Madaxweynaha cusub ee dalka France.

QORAALKAASI AYAA WAXAA UU U QORNAA SIDA TAN:

Wuxuu hadalkiisa ku billaabay

Mageyceygu waa Denis Alex

Farriintani waxay ku socotaa Madaxweynaha Cusub ee France  Faranco Holland

Mudane Madaxweyne:

Waxaan ka faa’ideysanayaa fursadda Isbadalka Siyaasadeed, gaar ahaan isbadalka ku yimid Hogaanka Maamulka, si aan usoo cusbooneysiiyo baaqeyga ku aadan in la i caawiyo, markan waxaan ku hadlayaa anigoo rajeynaya in arrinteyda aad ula dhaqanto si ka duwan, sidii ay ula dhaqmeen Madaxweyne Nekolay Sarkozi iyo Xukuumadiisa.

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA

SomaliSwiss News Desk

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: