Ergeyga Xoghayaha guud ee arrimaha Somalia oo Sheegay in magaalada Muqdisho ay ka socdaan dib u dhis ballaaran.

Ergeyga Xoghayaha guud ee arrimaha Somalia, danjire Augustine Mahiga ayaa shir jaraa’id oo u u ku qabtay magaalada Nairobi ku sheegay in Soomaaliya ay ku socoto horumar, wuxuuna si gaar ah uga hadlay dib u dhiska ballaaran ee ka socdo magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Danjire Mahiga wuxuu caddeeyey in wax walba oo dhaca ay dowladda Soomaaliya mas’uul ka tahay, isla markaana loo baahan yahay in loogaga dambeynayo howlaha loo igmaday dowladda, hase yeeshee Danjire Mahiga wuxuu walaac ka muujiyay xaaladda magaalada Kismaayo oo uu sheegay inay tahay magaalo uu ka jiro xafiiltan dhinaca beelaha ah.

Danjire Mahiga wuxuu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in magaalada Muqdisho ay ku soo laabanayso mid caadi ah marka la eego dib u dhiska ka socda, dhawaaqa xabadaha waxaa bedelay dhawaaqa buruska, wuxuuna intaa ku daray in magaalada Muqdisho ay habeenkii dhex socda dhallinyaro isugu jira rag iyo dumar, sidoo kale waxaa ka furan ganacsi, taasina waxaa la oran karaa  isbedelka ay ku socoto Soomaaliya.

Danjire Mahiga wuxuu arrintaas ku tilmaamay inay tahay mid muuqda oo la taaban karo, isagoo sheegay in dowladda cusub ay horyaallaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin sidii ay amaanka dib ugu soo celin lahayd.

Danjire Mahiga  oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Waxaan hubaa in wax walba ay hoggaamin doonto dowladda Soomaaliya, iyadoo isku dayi doonto sidii ay doorkeeda uga soo bixi lahayd. Kismaayo kaliya ma ahan deegaan waxaa ka jira qaababka beeleed kuwa uga murugsan Soomaaliya, waxaa dhici doona wadatashi iyo wada-xaajood, kaasoo keeni doona natiijooyin miro dhal ah,” ayuu yiri danjire Mahiga.

Dhanka kale, danjire Mahiga ayaa sheegay in magaalooyinka ay ciidamada dowaldda iyo kuwa AMISOM ka qabsanayaan Al-shabaab ay qayb ka yihiin horumaarada ay ku tallaabsanayso Soomaaliya, isagoo Madaxweynaha ugu baaqay inuu ka shaqeeyo sidii uu ammaanka dalka oo dhan ku noqon lahaa mid hagaasan.

Ergeyga Xoghayaha guud ee arrimaha Somalia Danjire Mahiga, wuxuu sheegay in Al-shabaab ay isku dayeen inay 40 saacadood kaddib markii la doortay madaxweynaha Soomaaliya isku dayeen inay dilaan, balse uu ka badabaaday isku daygaas, taasoo uu sheegay inay tahay midda keentay in madaxweynaha Soomaaliya uu muhiimadda koowaad, tan labaad iyo tan saddexad siiyo wax ka qabasahada ammaanka.

Sida aad la socotaan haadalka danjire Mahiga ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay Muqdisho ka socdaan howgallo ay booliiska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku doonayaan inay ammaanka ugu soo celiyaan iyo muran ka taagan maamul u sameynta magaalada Kismaayo.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: