Afhayeenka xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka oo shaaciyey in dowladda Mareykanka ay Soo dhoweynayso la wareegida Magaalada Kismaayo.

Xafiiska warfaafinta wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa waxaa ka soo baxay war qoraal ah oo lagu soodhoweyay qabsashada magaalada Kismaayo ee ciidamda midowga Africa ee AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya, sidaas waxaa shaaciyey Victoria Nuland oo ah afhayeenka xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka.

Sdoo kale warkan ay  soo saartay wasaaradda arimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in bixitaanka kooxda Alshabaab ee Kismaayo ay caddeyn u tahay guulaha ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka soo hooyeen dagaalka ka dhanka ah kooxda mintidiinta ah ee Shabaab, iyada oo dhinaca kale tusaale u ah aragtidii xagjiriinta ee ku saabsan xeeladda mustaqabbal ahaan baaba’san ee xiligaan ay ka leeyihiin Soomaaliya oo hadda 20 sano ka dib ka soo kabaneyso dhibaato wixii ay soo martay.

Dhanka kale dowladda Mareykanku waxay ugu baaqday dhammaan ciidamada ku sugan gudaha iyo hareeraha Kismaayo in ay xaqiijiyaan xushmadda ay u hayaan sharciga iyo xuquuqda caalamiga ah, ayadoo ku boorisay in la aas aaso hanaan siyaasadeed oo lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada iyo maamul muwaadiniinta ka yimaado oo noloshoodu ay ku tiirsan tahay dekedda Kismaayo.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ayaa dhawaan magaalada Kismaayo kala wareegay maleeshiyada Shabaab oo sanado ka talinayay halkaasi.

Tallaabadan ayaana qeyb ka ah howl gal qorsheysan ee lagu baacsanayo maleeshiyaadka Al-Shabaab meel kasta ay ka joogaan gobollada dalka Soomaaliya oo idil.

SomaliSwiss      Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: