( M a q a a l ) Xiiro Xaasidkaagana ha u Sheegin waa Ereyo Xanbaarsan micno aad u ballaaran dhankii la doonana loo jeedin karo ha yeeshee inta aanan u gondada deign qormadan iyo Ujeedada ka danmbaysa bal hor iyo horaan aan is weeydiino Xiirashada iyo sida ay Soomaalidu u aragto.
( M a q a a l )
Soomaalidu waxaa ay caan ku tahay dhinaca ku Cabiridda Suugaanta, waxayna hodan ka tahay Maah Maahyada ku soo Aroora Ujeedada ay ka leeyihiin waxa ay doonayaan in si dadban ay u gudbiyaan, qoddo dheerida Xigmadda Soomaalidana waa tan wax walba ay ku sheegtay Suugaanteeda kala duwan.
Xiiro Xaasidkaagana ha u Sheegin waa Ereyo Xanbaarsan micno aad u ballaaran dhankii la doonana loo jeedin karo ha yeeshee inta aanan u gondada deign qormadan iyo Ujeedada ka danmbaysa bal hor iyo horaan aan is weeydiino Xiirashada iyo sida ay Soomaalidu u aragto.
Timaha oo la Xiidho wax ku cusub Soomaalida ma aha haba soo mareen maraaxil kala duwan gaar ahaana inta qofku Da’da Ilmanimada uu ku jiro iyadoo xiliyadaas ay tahay Xilliyada Ilmaha loo Xiiro Timaha, waxaana Marxaladdii ugu horeysey ee Tima Xiirashada ay ku bilaaban tay Ilmaha oo Madaxa laga Xiiro kaddibna in yer oo Tima ah Madaxa bartankiisa loogu reebo waana Xiirmada loo yaqaano Dhoorka.
Marxaladdaas tii xigtay ayaa ahayd markii ay bilaaban tay wixii loo yiqiin Jeega Xiirka oo dadku siyaalo kala duwan Timaha ay u xiiran jireen taasoo si weyn loogu kala duwanaa.
Marka aynu ka nimaadno hab dhaqanka xiirashada waxaa jira in Diinteena Muqadaska ah ay na farayso in Timaha la iska Xiiro ama la iska gaabiyo iyadoo si gaar hana loogu Xusay Qur’aankeena Kariimka gaar ahaana marka lagu guda jiro Gudashada waajibaadka Xajka.
Waxaa kaloo jira Sunada Nabigeenii Suubanaa Naxariis iyo Nabadgelyo dushiisa ha ahaatee ku soo Ururtay taasoo na faraysa in timaha la iska gaabiyo ama la iska Xiiro.
Xiiro Xaasidkaagana ha u Sheegin marka dhinac kale aan ka fiirino Ciidamada qalabka sida marka ugu horeysa oo Askeri ka tirsan Ciidamada Shaqadaas loo qoro tallaabada ugu horeysa ee Askerigaas lagula dhaqaaqo waa iyadoo madaxa laga Xiiro mudada uu ku jiro dhibbowga ama Kuruudka sababta sidaa loo yeelayana ay tahay in lagu aqoonsado Ruuxaas Madaxa Xiiran inuu yahay Askeri leeyli ah ama ku jira Tababarka Ciidanimada.
Shariif Aadan oo ah wiil dhallinyara ah kana mid ah dhallinyarada ku dhaqan Magaalada Muqdisho mar walbana Madaxa XiirtaYUUL ayaan weeydiiyay sababta uu mar walba Madaxa u Xiirto wuxuuna ii sheegay in Xiirashada Madaxa uu ka helo Caafimaad isla markaana uu dareemo caafimaad uusan dareemeyn marka ay Timaha ku yaaliin isagoona mar walba iigu hal qabsada Maah maahda Tiraah ”Xiiro Xaasidkaagana ha u Sheegin”.
Marka aan intaa uga gudbo Gogol dhiggii Maqaalkeyga ayaan waxaan jeclahay inaan u Gondda Dego Ujeedka aan ka leeyahay Maqaalkeygan ayaa waxa jirta in maalmahan danbe Magaalada Muqdisho ay ku soo badanayaan Dhallinyaro wada “Marka aan intaa uga gudbo Gogol dhiggii Maqaalkeyga ayaan waxaan jeclahay inaan u Gondda Dego Ujeedka aan ka leeyahay Maqaalkeygan ayaa waxa jirta in maalmahan danbe Magaalada Muqdisho ay ku soo badanayaan Dhallinyaro wada “YUUL” ama wada basa Xiir ah taasoo aad arkayso dhallinyaro fara badan oo Madaxu u Xiiran yahay kuwaasoo ku xarooganaya iyagoo ku qanacsan in Madaxu u xiirnaado.
Dhallinyaradan ayaa badankooda la ii sheegay in ay yihiin qurba jog dhawaan soo gaadhay magaalada Muqdisho kuwaasoo si aan yax yax lahayn Magaalada ugu dhex laafyoonaya.
Qofka madaxa Xiiran Xarago uu Xiirmadaas ku xaragoodo ha joogtee wuxuu awal ka cabsan jiray Su’aalaha uga imaanaya dadka kale oo weeydiinaya Su’aasha ah “Maxaad Madaxa Isaga Xiidhay Ma xanuunsatay iyo wixii la mid ah”? taasoo awal qofka nacsiin jirtay inuu Madaxa Iska Xiiro.
Xasan Cali Isaaq oo ka mid ah Dhallinyarada sida joogtada ah u Xiirata Madaxa oo aan la sheekeystay ayaa ii sheegey inuu ku faraxsan yahay in Madaxu u Xiirnaado mar kasta, sababta arrintaa ka danbaysa markii aan u dhabba galayna wuxuu ii sheegay oo si Hoose iigu sheegay in Sababata ugu weyn ee sidaa loo yeelayo in ay tahay iyadoo Bidaarta lagula dagaalamayo isla markaana si aan loo ogaan in ruuxaasi Bidaar leeyahay uu ka door bidayo inuu Maalin walba uu madaxa Xiidho iyadoo la Isticmaalayo qalab Electronic ah.
Isku soo Wada Duubo Xiiro Xaasidkaagana ha u sheegin waxa ay isugu soo biya shubanaysa in Dhallinyaradan faraha badan ee Magaalada Muqdisho ku soo badanaysa Madaxuna u Xiiran yahay ujeedada ugu weeyn in ay tahay qarin lagu qarinayo Bidaarta, taasi ulama jeedo inaan si gaar ah u beegsanayo Dhallinyarada Bidaartu gashay waxaanse u arkaa inay tahay Xal loo helay Bidaarta oo muddo dheer loo raadinayay Dawo. Xiiro Xaasidkaagana ha u Sheegin waa Murti Dhaxal gal ah.
W/D Ustaad Aadan Macalim Cabdulaahi
( Aaddaamo)
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Faallo-Maqaal | Tagged: Faallo, Maqaal, Somalia, Xiiro |
You must be logged in to post a comment.