Magaalada Nairobi oo lagu soo gabagabeeyay Shir looga hadlayay Amaanka Wadamada Bariga Afrika.

Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya maalmahan ka socday Shir loogu hadlayey Ammaanka Wadamada Bariga Afrika, waxaa ka soo qayb galay dalalka Soomaaliya, Uganda, Ethiopia, Tanzania iyo kuwa kale, waxaana dhinaca Soomaaliya uga qaybgalay wafdi balaaran oo uu hogaaminayo raisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhiga Mudane xuseen carab ciise.

Ra’isal wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa wuxuu shirkaas ka jeediyay khudbad muhiim ahayd, wuxuuna tilmaamay in Soomaaliya ay gashay marxlad cusub oo looga baahan yahay in beesha caalamku ay si toos ah ula xaajooto dowladda Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu shirka ka akhriyay dhanbal uu ka siday madaxwaynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud wuxuuna sheegay in madaxwaynaha Soomaaliya ee cusub uu beesha caalamka ugu mahadcelinayo taageerada joogtada ah iyo is garab taaga shacabka Soomaaliyeed

Si kasta ha ahaatee Ra’isal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka difaaca dalkeena Mudane xuseen Carab Ciise wuxuu hanbalyo u diray ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwo Amisom oo dalka Soomaaliya intiisa badan ka xoreeyay Maleeshiyaadka Al-Qaacida iyo Alshabaab.

SomaliSwiss    Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: