Madaxweyne Prof. Xasan Sheikh Maxamuud oo sheegay in dowladdu ay wax ka qaban doonto amniga, Garsoorka iyo Musuqmaasuqa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdu ay sida uga dhaqsiyaha badan ay wax uga qaban doonto Amniga, Garsoorka  iyo usuqmaasuqa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay booqday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan islamarkaana halkaasi ka jeediyay khudbad dhaxal gal ah oo ka tarjimeysa waxqabadkiisa u jeediya qeybaha bulshada ee reer Hiiraan wuxuuna u sheegay in mudnaanta uu siindoono adkeynta Amniga iyo helidda garsoor madaxbannaan, isagoo intaa ku daray in garsoorka uu ka madaxbannaandoono siyaasadda.

Sidoo kale Madaxweynaha wuxuu kaloo tilmaamay in uu wax ka qaban doono Musuqmaasuqa iyo maareynta daqliga canshuuraha, isagoo soo hadalqaaday dhismaha maamullada gobollada, waxaa uu madaxweynuhu ballanqaaday in gargaar deg deg ah la soo gaarsiindoono dadka ku barakacay fatahaadaha ka dhashay Wabiga Shabeelle.

Dhanka kale Booqashada madaxweynaha uu ku tagay gobollada Baay iyo Hiiraan ayaa waxay ahayd mid ugu kurgalayo xaaladda dadka iyo deegaannadaas, wuxuuna islamarkaasna uu ku ogaanayey rabitaanka dhismaha Dowladda.

SomaliSwiss           Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: