Wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo booqasho ku tagay magaalada Baydhabo.

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  booqasho aan horey loo sheegin ku gaaray duhurnimadii maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka iyo saraakiil ka kala tirsan Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya waxaana markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda gaaray garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidammada Qalabka Sida.

Kadibna Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu magaalada Baydhabo kula hadlay kumanaan  dadweynaha degmada Baydhabo oo isku soo baxay, waxa uu kormeer ku tagay xero ay ku xareysan yihiin Ciidammo loo tababarayo Dowladda Soomaaliya waxaana uu Madaxweynuhu ciidammadaasi u jeediyey khudbad isaga oo u ballan qaaday iney ka mid yihiin Ciidammada Dowladda islamarkaana ay helayaan xuquuqdooda.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta gobalka Bay isagoo halkaasina kula hadlay Masuuliyiinta Gobalkaasi iyo Qeybaha Bulshada ee ku nool Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobalka Bay.

Wafdiga uu hoggaaminayay Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa xubno ka tirsan golaha wasiirada, xildhibaano iyo saraakiil ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Madaxweynaha wuxuu kormeer ku tagay xarun uu tababar uga socdo ku dhowaad sadax kun oo ciidan ah, wuxuuna Madaxweynaha ciidamada u balan qaaday in ay si joogto ah u qadanayaan mushaarkooda isagoona kula dardaarmay in ay difaacaan dalkooda hooyo.

Wafdiga uu hoggaaminayay Madaxweynaha ayaa iska galabta dib ugu soo laabtay Caasimada dalka ee Muqdisho, waana safarkii ugu horeeyay oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tago magaalada Baydhabo tan iyo markii laa dhaariyay xilka Madaxtinimo ee dalka.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: