Seminaar lagu baranayey Cilmiga Isdhaxgelka oo loo xiray qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaalida ee Kanton Zürich.

Magaalada Zürich ayaa waxaa shalay Axadda ahayd lagu soo gabagabeeyey Seminaar u socday qaar ka mid ah Jaaliyadda, kaas oo lagu baranayey Cimiga Isdhaxgelka (Integration) oo socday muddo 5 bilood ah.

Dadkii ka soo qayb galay Seminaarkan waxay ku barteen duruus kala duwan oo la xiriirta Isdhaxgalka Sida: Taariikhda iyo Geografiga Swisska, Nolosha, gaargaarka, Caafimaadka waxaa bixinayey Seminaarkaas Mocallamin ku takhasustay Cilmiga Bulshada.

Seminaarkan oo ay si wadajir a u soo qaban qaabiyey Waaxda Itegration-ka ee Stadt Zürich iyo Guddiga Fulinta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kanton ayaa waxaa xafladda Xiritaanka la guddoonsiyey Shahaadooyin waxtar u leh dadkii dhamaystay Saminaarkaas.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Zürich Marwa Xaawa Nuur Muudey oo munaasabadaas ka hadashay  waxay dadkii qaatay Duruusta Seminaarkaas ay ku guubaabisay inay ku dadaalaan Waxbarashada, waxayna u ballan qaaday in Seminaaro iyo waxbarasho kale ay u raadin doonta dadka doonaya inay kororsadaan Aqoontooda.

Dadkii yimid Xafladdii Xiritaanka Seminaarkaas iyoo qaar ka mid ah Mocallamiintii bixinaysay duruustii lagu qaadanayey Seminaarkaas ayaa waxay si wadajir ah ugu wada casheeyeen Cunto dhaqameed ay soo kariyeen qaar ka mid ah Haweenkii  Seminaarkaas wax ka baranayey, waxana xafladdii ku dhamaatay si farxad leh.

SomaliSwiss Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: