Ciyaar kubadda cagta ah oo lagu maamusayey Taageerida dowladda Cusub ee ka hanaqaaday dalka Soomaaliya.

Waxaa Shalay oo Axada ahayd kuna beegneyd Taariikhda 30 September 2012 Magaalada Zürich ka dhacay Ciyaar kubadda cagta ah iyo damaashaad ee ay soo qaban qaabiyeen bahda Sportiga ee Kanton Zürich ee dalka Switzerland.

Ujeedada Ciyaarahan ayaa waxay ahayd mid lagu taageerayo Isbeddalka ka dhacay dalka Soomaaliya iyo dowladda Cusub ee ka dhalatay dalka sida Madaxweyne Prof, Xasan Sheikh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Barlamaanka Prof. Jawari.

Ciyaartan oo lagu maamusayey Taageerada loo hayo dowladda Cusub ayaa waxaa isaga hor-yimaaday Kooxo ka kala socday Kantonada Zürich iyo Luzern.

Furitaanka Ciyaarahan ayaa waxaa Khudbado ka jeediyey Guddoomiyaha Sportiga ee Kanton Zürich Mudane Cashar Xasan iyo Tababaraha Kooxda Kanton Zürich Mudane Maxamed Saciid, waxayna Labada kooxood u sheegeen inay si nadiif u ciyaaraan maadaama ciyaartan loogu talagalay mid lagu xurmeeyo Dowladda Cusub ee dalkeennu ka hana-qaaday.

Sidoo kale waxaa Ciyaartaas u furay Ciyaartaas Guddoomiye ku.xigeen Jaaliyadda Somaaliyeed ee Kanton Zürich Dr. Axmed dhicisow Daauud, wuxuuna halkaas ka jeediyey  hadal kooban oo dhiiri-gelin ah, sidoo kale wuxuu kula dardaarmay in muujiyaan Ciyaar wanaag.

Inkastoo Guddiga Maamulka Sportiga ay labada kooxood u sheegeen in Xaaladda Garoonka aan ku habooneyn in lagu Cayaaro, haddana horjoogiyaasha labada Koox waxay ku dhawaaqeen inay Ciyaarayaan.

Si kasta ha ahaatee muddadii ay socotay Ciyaarta, labada Kooxood waxay soo bandhigay Ciyaar wanaag, waxayna muujiyeen dadaal dheeri ah oo koox kasta ay ku doonaysay inay kaga adkaato tan kale.

Ugu danbeyntii waxa ay guusha raacday  Kooxda Kanton Zurich oo ku badisay 3 iyo 2 ay keeneen kooxda Luzern.

Markii ciyaarta ay dhammaatay kadib, waxaa halkaas lagu gudonsiiyay Cayaartoydii ka socotay Kanton Zürich Koobkii lagu maamusayey Dowladda iyo Madaxda Cusub ee dalkeenna ka hanaqaaday.

SomaliSwiss   Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: