Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo maanta gudaha u galay Magaalada Kismaayo.

War goor dhoweyd naga soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo isgarabsanaya ay gudaha u galeen magaalada Kismaayo iyadoona ay ciidamadu magaalada kasoo galeen dhowr jiho.
Sida wararka nagu soo gaaray waxaa la sheegay in Ciidamadan  ay magaalada ku soo galeen iyagoo  lugeynaya, waxayna ka soo galeen jihooyinka waqooyi iyo Galbeed sida dhanka Madaxtooyada, dhinaca Xaafadda Siinaay iyo weliba xaafadda V-Afmadow.

Ciidamadan soo galay magaalada ayaa waxa dhanka hawada ka wehlinayay diyaarado nooca Helicopters-ka loo yaqaan, waxaana jawiga magaalada uu yahay mid aad u kacsan, inkastoo Xoogagga Al-shabaab ay ka baxeen magaalada Kismaayo 28-Bishii la soo dhaafay ee September kadib markii uu culeys kaga yimid dhanka ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ee isgarabsanaya.

Sida la wada ogsoon yahay Magaalada Kismaayo oo xarun u ah gobolka Jubada hoose ayaa ah magaalo uu ganasigeeda aad u sareeyo, iyadoona ay magaaladu leedahay dekad caalami ah taasoo shixnadaha kasoo daga loo iibgeeyo gobollada Jubooyinka, Gedo iyo weliba gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

Si kasta ha ahaatee dad badan ayaa walaac ka muujinaya waxa xigi doona qabsashada magaalada Kismaayo, maadaama ay gobolka ka jiraan maamul goboleedyo badan kuwaasoo ay soo dhisteen qaar katirsan beelaha dega Jubooyinka.

SomaliSwiss   Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: