Madaxweynaha dalka Masar Max’ed Mursi ayaa sheegay in ay tababaro  siinayaan ciidamada dawlada Soomaaliya si ay ugu guulaystaan sugidda aamaanka dalka, waxaa uuna intaa ku daray in dawladiisa ay ka qeyb qaadan doonto caawinta dawlada iyo bulshada Soomaaliyeed.
Madaxweyne Mursi waxaa uu si gaar ah u tilmaamay in ay tababaro siinayaan ciidamada Soomaaliya oo uu sheegay in ay ku guulaysan karan sugida amaanka haddii ay tababaro wanaagsan helaan.
Mudane Mursi waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in ciidamada Soomaalida ay awood u yeelan karaan sugida amaanka dalka oo dhan mar haddii ay Soomaaliya ka baxday ku meel gaarnimada.
Sidoo kale mudane Mursi wuxuu ka hadlayay waxa sababay dhibaatada mudada dheer Soomaaliya ka jirta ayaa waxaa uu sheegay inay salka ku hayso xag jirnimada iyo diinta Islam oo dadka qaarkiis sii qaldan loo fahamsiiyay sida loola dagaalami karana ay tahay in dadka diinta si sax ah loo baro, wuxuu Madaxweynuhu soo dhaweeyey guulahay ay Soomaaliya ka gaareen ciidamada dawlada iyo kuwa midawga Africa ee AMISOM.
Dhanka kale Dawlada Masar ayaa waxay ka mid tahay dawladaha daneeya arrimaha Soomaaliya iyadoona daklkaasi ay Sooomaali badan oo dhibaatada dalka ka jirta ka cararay ay ku nool yihiin.
SomaliSwiss    Qaahira
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.