Ciidamada amniga Qaranku ayaa waxa ay xalay ka sameeyeen degmada X/jajab ee Magaalada Muqdisho howlgal dad lagu soo qabqabtay oo lagu xaqiijinayo ammaanka caasimadda, waxaana fahfahin ka bixiyay qaabka uu udhacay howlgalkaasi maamulka degmadaasina.
Guddoomiyaha degmada Xamar Jajab mudane Maxamed Cali oo u warramayey Warbaahinta wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka dowladda ay xalay howlgal ka fuliyeen degmada Xamar Jajab, kaas oo lagu sugayay ammaanka degmada, isagoo intaa ku daray in howlgalkaasi lagu soo qabtay ilaa Soddon qofood oo la rumeysanyahay in ay ka tirsanaayeen kooxda Shabaab.
Mudane Maxamed Cali ayaa ka codsaday dadweynaha deggan degmadaasi inay gacan ka geystaan ammaanka degmada isla markaana ay la shaqeeyaan ciidamada Ammaanka dowladda, si loo hubiyo ammaanka xaafadaha kaladuwan ee degmadaasi.
Si kasta ha ahaatee howlgalkii ay xalay ciidamada ammaanku ka sameeyeen degmada Xamar jajab ayaa waxa uu qeyb ka ahaa howlgallo isdabajoog ah oo har iyo habeen ay ciidamadu ka sameeyaan magaalada Muqdisho.
SomaliSwiss     Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.