Xarakada Al-Shabaab oo la sheegay in ay xalay ka baxeen magaalada Kismaayo.

War saakay naga soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa  sheegaya in kooxda Al- Shabaab ay Xalay ka baxeen magaaladaas, waxaana lagu soo warramayaa in dadka ku nool Kismaayo ay  billaabeen saakay waaberigii in ay galaan xarumihii iyo guryihii ay Al-Shabaab ka deganaayeen magaalada Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa saaka laga dareemaya isbedel taariikhi ah, iyadoo shacabka magaaladaasina markii ugu horreetsay muddo sadex sano ah kadib ay saaka dhadhamiyeed neecawda xorriyadda mar haddii ay ciidamada XDS iyo kuwa walaalaha Amisom ay ka xoreeyeen Al-Shabaab oo ay ku hoos noolaayeen muddo ka badan Sadex sano.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in Al-Shabaab ay u ruuqaansadeen dhanka Degmada Jilib, balse shacabka magaalada Kismaayo ayaa saaka ka  billaabeen inay gudaha u galaan guryihii ay deganaayeen horjoogayaasha shabaab, xarumihii iyo saldhigyadii ay dadka ku dhibaateynjireen, iyadoo shacabka oo caro weyn u qabay kooxdaasi ay boobayeen agabkii iyo hantigii ay shabaabku ka carareen taas oo markii horeba iyaga laga dhacay.

Ka bixitaanka Magaalada Kismaayo ee Xarun Goboleedka Jubadda hoose waxay ka  dhigan tahay in Al Shabaab ay iskaga baxday Guud ahaan Dalka Soomaaliya Sababtuna waxay Tahay in Kisnaayo ay ahayd Magaaalada ugu weyn uguna istiraatiijisan ee ay Gacanta ku hayaan.

Magaalada Kismaayo ayaa aheyd meeshii ay ugu xoogbadnaayeen Malleeshiyaadka Shabaab, iyagoo ka heli jiray idhaqaalaha ay shacabka ku dhibaateynjireen, hase yeeshee waxa isweydiin mudan halka ay gabbaad ka dhigan doonaan kooxda Shabaab, mar haddii aysan jirin cid soo dhaweysaneysa oo ay hore abaal ugu galeen oo meel kasta oo dalka ka mid ah dakano ayaa u taal, shacabka Soomaaliyeedna meel kastoo ay joogaan wey ku diirsanayaan Jabka Shabaab, waxaana ka soo daahiray kooxda nabsiga iyo cuquubaddii ay ka gelijireen shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleeysan.

SomaliSwiss        Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: