Madaxweynaha Soomaaliya oo Madaxtooyada kulan kula qaatay Ururada Bulshada rayidka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Prof. Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay Ururada Bulshada rayidka, isla markaana ugu baaqay in ay kala shaqeeyaan ammaanka iyo xasiloonida dalka.

Sidoo kale Xubnaha bulshada rayidka ee ka qeyb galay kulanka ayaa waxay u cadeeyeen Madaxweynaha inay la shaqeyn doonaan dowladda, isla markaana ay ka qeyb qaadanayaan samata bixinta dalka, iyagoo soo dhoweeyay is bedelka cusub ee uu galay dalka.

Madaxweyne Prof. Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu ka hortagi doono musuq maasuq, si loo helo dowladda tayo leh oo dalka u horseedi cadaalad iyo kala dambeyn, hase yeeshee Madaxweynaha wuxuu u sheegay bulshada rayidka in falalka amni darada iyo qaraxyada laga soo maleego guryaha iyo xaafadaha, balse loo baahan yahay in la iska kaashado sidii looga hortagi lahaa.

Madaxweyne Prof. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waday tan iyo markii loo dhaariyay xilka Madaxtinimada  kulamo uu la lahaa Beesha Caalamka iyo Bulshada Soomaaliyed, si uu ugu muujiyo dadaalkiisa.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: