Xaaladda deegaannadii shalay ay ku dagaallameen dad xoolo dhaqato ah iyo Xarakada Shabaab oo saaka deggan.

Xaaladd degganaansho ah ayaa laga soo sheegay deegaanno ka tirsan degmada Buulo Barde oo shalay ay ku dagaallameen malleeshiyaadka ka tirsan Xarakada Al-Shabaab iyo dad xoolo dhaqato ah.

Sida lagu soo warramay waxaa saakay ka jira degaannadaas xaalad deganaansho, inkastoo wali ay halkaasi ka taagantahay dhiillo colaadeed, waxaa la soo sheegayaa in malleeshiyaadkii Al-shabaab ay halkaas ka baxeen, iyagoo ka cararay meydadkooda  iyo gaari halkaas looga gubay.

Sidoo kale war naga soo gaaray Degmada Buulo Barde ayaa sheegaya in dadka deegaanka ay billaabeen in ay is abaabulaan iskuna wargeliyaan in ay ka hortagaan baadda ay malleeshiyaadka argagixisadu ku dhacayaan xoolahooda, waxaana la tilmaamay in kacdoonka ka dhanka ah shabaab ee shalay ka billowday deegaanno hoostaga Buulo barde uu gaaray degmooyinka Maxaas iyo Aadan Yabaal, iyadoo muwaafaqo lagu yahay in meel kasta lagala dagaalamo malleeshiyaadka si aysan isugu gurman.

Dhanka kale dagaalkii shalay dhexmaray dadka Xoola dhaqatada ah iyo  malleeshiyaadka Shabaab ayaa ka dhashay kadib markii ay kooxdu isku dayday in ay si baad ah xoolahooda uga qaataan dadka deegaanka, taasina waxa ay sababtay in qasaarihii ugu darnaa uu halkaasi ka soo gaaro, waxeyna tan ay marqaati cad u tahay sida ay dadku uga dhiidhiyeen gumeysiga iyo duud ka raradkii ay ku haysay argagixisada Shabaab.

SomaliSwiss  Buulo Barde

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: