Madaxweynaha Soomaaliya oo madaxtooyada kulan kula qaatay Ergeyga Midowga Afrika iyo Hogaanka AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Aboubacar Diarra iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM Jen. Andrew Gutti. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Ugu horeyn Amb. Aboubacar Diarra ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha doorashadii uu ku guuleystay, isla markaana u rajeeyay in xilkiisa Alle uu kula garab galo, una balan qaaday in uu la shaqeyn doono dowladdiisa cusub.

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Soomaaliya ay gashay is bedel cusub oo dalka looga saarayo xaaladihii hore ee Ammaan iyo Siyaasadeedba, isla markaana Ra’isal Wasaaraha uu soo magacaabi doono uu noqon doono mid soo dhisa Xukuumad tayo leh oo ambaqaada howlaha hor-yaala.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada AMISOM Jen. Andrew Gutti ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay gaareen guulo la taaban karo oo ay magaalooyin badan ka xoreeyeen kooxihii nabaad-diidka, waxaana uuna intaasi sii raaciyay in ciidamada ay ammaanka guud ee dalka xaqiijin doonaan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: