Afhayeen Ciidamada Kenya oo Warbaahinta u sheegay inay kala wareegeen Al-Shabaab Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

War Saakay naga soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Afhayeen milateriga Kenya, Col. Cyrus Oguna uu warbaahinta u caddeeyey in ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay la wareegeen gacan ku haynta xaafado ka tirsan degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.

Sidoo kale Col. Oguna ayaa sheegay in ciidamadooda iyo kuwa dowladda ay ka galeen magaalada dhinaca badda ayna iska caabin aan badnayn kala kulmeen xoogagga Al-shabaab ee gacanta ku hayay degmadaas, balse goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in magaalada gudaheeda uusan dagaal ka dhicin.

Afhayeenka milateriga Kenya oo wareysi siinayay telefishinka dalka Kenya wuxuu yiri: “Wararka ah in Kismaayo ay qabsadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee AMISOM ka tisra waa kuwo run ah,” wuxuuna intaa ku daray in ciidamadooda ay hadda magaalada isku fidinayaan,sidoo kale wuxuu sheegay in xaaladda ay hadda dagan tahay, dadka reer  Kismaayana loogu baaqay inay is dajiyaan.

Dhanka kale Goobjoogayaal ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay inay maqleen rasaas muddo kooban socotay oo ka dhacday deegaan xeebta ka jira magaalada oo 4-km ka baxsan.

Si kasta ha ahaatee Afhayeenka howgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters wuxuu yiri: “Maraakiib ay leedahay Kenya ayaa xalay ciidammo kusoo daadiyay xeebta Kismaayo, waxaana socda dagaal u dhexeeya ciidamadaas iyo xoogaggeenna.”

SomaliSwiss  Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: