Tarsan: Waa in laga qaadaa Ciidamada Isbaarooyinka dhigtay Wadooyinka magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay isbaarooyin uu sheegay in la so dhigay wadada loo maro Balcad, isagoo ugu baaqay saraakiisha ciidamada inay wax ka qabtaan arrintaasi.

Sidoo kale Mudane Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”  oo maanta kormeerayay qeyb badan oo ka mid ah goobaha laga qaado canshuurto sida Suuqyada ayaa sheegay in aan la qaadan Karin isbaarooyinka yaala qeybo ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha oo warbahinta kula hadalay xerada Maslax ee deegaanka Suuqa Xoolaha waxa uu tilmaamay in caqabad ay bulshada ku yihiin isbaarooyinka, wuxuuna Taliyayaasha iyo Saraakiisha Ciidamada uga baaqay saraakiisha ciidamada in ay wadooyinka ay ka xareeyaan ciidamada sida sharcidarada ah u dhiganaya isbaarooyinka kuwaas oo uu sheegay in mararka qaar ay dhibaatooyin u geystaan shacabka.

Dhanka kale wuxuu Mudane Tarsan ugu baaqay ganacsatada iibisa xoolaha in ay ku iibiyaan suuqa Dayax ee ku yaala dagmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir kaas oo dhowaan dayactir lagu sameeyay.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: