Nabad Sugidda Qaranka oo digniin ku bixisay in ciddii gurigeeda laga helo Walxaha qarxa lagala Wareegi doono?

Hay’adda Nabadsugida Qaranka ayaa sheegay in mas’uuliyada weyn ay ka saaran tahay xaqiijinta amaanka magaalada Muqdisho, sidaas darteed waxay  shacabka ugu baaqaysaa  inay taageerin maleeshiyada Kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha nabadsugida Gobalka Banaadir khaliif Axmad Ereg oo uu maanta xarunta nabadsugida Qaranka ku qabtay Shir jaraa’id ayaa hoosta ka xariiqay in dadka Soomaaliyeed ee hantida ku leh caasimadda ay ka fogaadaan in ay guryahooda ka kireystaan kooxdaasi, wuxuuna ku booriyey shacabka Soomaaliyeed in dadka ay Guryaha ka kireysanayaan ay ku war galiyaan saldhigyada Booliska ee degmooyinka ay degan yihiin si ay u kala cadaato shaqsiyadda qofkaas uu yahay.

Sidoo kale Khaliif Axmed Ereg ayaa faah faahin ka bixyey howlgalladii ugu dambeeyey ee lagu soo qabtay 80 qof kuwaas oo qaar ka mid ah ay ka tirsanyihiin kooxda shabaab balse baaritaano lagu sameeyay ka dib la sii daayay dadkii lagu waayay wax dambi ah wuxuuna intaa ku daray in qaar ka mid ah dadkaasi ay si cad u qirteen in ay ka dambeeyeen dilalkii maalmihii la soo dhaafay ka dhacay Muqdisho.

Dhanka kale waxaa Isbaddel muuqda laga dareemayaa ammaanka caasimadda dalka ee Muqdisho tan iyo markii isbaddel lagu sameeyey hannaanka howlgallada ciidammada ammaanka dowladda Soomaaliya oo hadda si adag u dhabar jabiyey kooxda Al-Shabaab oo si nafla caari ah magaalada dhexdeeda dhibaatoyin kala duwan uga geystay dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: