Advertisements

Dowladda dalka Kenya oo qiratay in Ciidamadeeda dad rayid ah ay ku laayeen Soomaaliya.

Dowladda Waddanka Kenya ayaa qiratay in ciidamadeeda ku sugan gudaha Soomaaliya ay mas’uul ka yihiin dilka dad rayid ah loogu geystay Tuulada Janay Cabdalla ee gobolka Jubbadda hoose.

Sida ay sheegtay Wasaaradda gaashaandhiga in  ka mid ah Ciidamadeeda oo ku sugan gobolka Jubbadda hoose uu si ula kac ah rasaas ugu furay dad rayid ah, taasoo keentay in goobta ay ku geeriyoodeen 6 ruux oo rayid ah.

Sidoo kale afhayeenka ciidamada Kenya oo ku sugan Soomaaliya Col Cyrus Oguna ayaa sheegay in askarigii dadka rasaaseeyay ay hub ka dhigis ku sameeyeen kadibna ay xireen.

War kasoo baxay Taliska ciidamada Militriga Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in askarigu uu ka qal qalay tirada dadka uu rasaaseeyay.

Afhayeenku wuxuu sheegay in Saraakiisha ciidamada dawlada Soomaaliya, kuwa Kenya, iyo kuwa AMISOM ay baaritaano ku hayaan sida ay wax u dhaceen.

Dhanka kale Col Cyrus Oguna waxaa uu caddeeyay in natiijada kasoo baxda baaritaanada socda ay dib ka sheegayaan hase ahaatee waxaa uu xusay in dhacdadu ay si qaldan u dhacday.

Si kasta arrintu ha u dhacdee tirada dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay ayaa la sheegayaa inay kordheen waxayna gaarayaan dadka ku geeriyoodeen ilaa 10 qof.

SomaliSwiss       Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: