War naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ay kulan ku yeelanaya maanta xarunta golaha shacabka ee Muqdisho, kaasoo aan la ogeyn ajandayaasha ay uga hadli doonaan.
Sidoo kale Fadhigan ama  Kulankan ayaa ah kii ugu horreeyay oo ay xidlhibaannadu yeelanayaan tan iyo markii ay doorteen Madaxweynaha Soomaaliya 10-kii bishan, wuxuuna  ku soo beegmayaa iyadoo habeen hore lagu dilay Muqdisho mid ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, kaa soo rag dabley ah oo bastooolado watay ay ku weerareen gurigiisa oo ku yaalla degmada waaberi ee magaalada Muqdisho.
Dhanka kale Al-shabaab ayaa ku hanjabtay inay beegsan doono xildhibaannada kale ee Baarlamaanka, kuwaas oo ay ku eedeysay inay ka dhego-adeygeen digniinno ay horay ugu jeedisay oo ahaa inaysan ka mid noqon Baarlamaanka.
SomaliSwiss  Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.