Madaxweynaha Soomaaliya oo u wakiishtay C/Weli Gaas in uu ka qayb galo shirka guud ee Qaramada Midoobay.

Waxaa magaalada New York ee  xarunta Qaramada Midoobay gaaray C/weli Gaas isagoo khudbad ka jeedin doona shirka golaha ammaanka oo maalinta Khamiista ah furmi doono arrintan ayaa ka danbeysay iyadoo la sheegay in madaxweyaha cusub ee Soomaaliya uu horay u sheegay in uusan ka qaybgali karin shirkaasi duruufa jira awgeed.

Ra’isal wasaaraha ayaa si aad loogu soo dhaweeyay New York, wuxuuna shirkaas uga qaybgalayaa, isagoo matalaya Soomaaliya, sidoo kale, waxaa lagu wadaa in C/weli Gaas uu Soomaaliya uga qaybgalo shirar looga hadli doono arrimaha Soomaaliya iyo dib u dhiska dalka, kuwaasoo ka dhici doona dalka Mareykanka.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u sheegay inuu ka baaqday ka qayb-galka shirka guud ee Qaramada Midoobay, isagoo taas ku sababeeyay inay horyaallaan howlo badan, sidaa daraadeedna uusan dalka ka tagi karin.

Si kasta ha ahaatee Beesha caalamka ayaa waxay indho gaar ah ku haysaa Soomaaliya, tan iyo markii laga baxay bishii Ogoosto ee sannadkan xilligii KMG ahaa ee dowladihii hore ay ku shaqeyn jireen, waxaana tan iyo markii la doortay madaxweynaha cusub safarro ku tagayay Muqdisho xubno ka socda beesha caalamka, si ay ula kulmaan hoggaamiyaha cusub ee Soomaaliya.

SomaliSwiss   New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: