Waxaa lagu soo warramayaa in deegaanka Janaay-Cabdala oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ay Ciidamada Kenya ee qayb qaadanaya howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay ku laayeen dad xoolo dhaqato Soomaaliyeed ah oo aan waxba galabsan, sidaas waxaa saxaafadda u xaqiijiyay afhayeenka ciidamada dowladda ee Jubbooyinka, Col. Aadan Axmed Xirsi (Rufle).
Sidoo kale Afhayeenka oo la hadlayay BBC-da ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay dileen toddoba qof oo ka mid ah sagaal qof oo ay soo qabteen labadii qof ee kalena ay gaareen dhaawacyo aad u daran.
Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay in dadka ay ciidamada Kenya dileen ay ahaayeen xoolo dhaqato aan wax lug ah ku lahayn dagaallada, isagoo sheegay in falkan uusan ahayn kii ugu horreeyay oo ciidamada Kenya ka sameeyaan gudaha Soomaaliya.
Dhanka kale afhayeenku wuxuu warbixintiisa ku sheegay ee uu yiri: “Markii aan saraakiisha Kenya u sheegno inay cudur-daar ka bixiyaan iyo magdhow ka bixiyaan dadka shacabka ah ee ay ciidamadoodu dilaan waxay noogu jawaabaan waxaan dhiiggeenna u daadinayno waa inaan xoreyno Soomaalida.”
Dhanka kale, afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, Col. Cali Aadan Xumud oo dilalkan ay su’aalo ka weydiistay BBC-da ayaa sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan, haddii ay cadaatana go’aan laga qaadan doono.
Col. Xumud oo u dhashay dalka Jabuuti ayaa wuxuu caddeeyey ee uu yiri: “AMISOM waxay diyaar u tahay inay qaadato haddii ay gef geysato, arrintanna waa la baarayaan haddii ay cadaatana go’aan ayaa laga qaadan doonaa.”
Sida la wada ogsoon yahay Ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya, ayaa waxay ka soo talaabeen soohdinta qaybisa labada dal bishii Oktoobar ee sannadkii hore, iyadoo aan la ogeyn, si ay ula dagaalamaan Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen falal ammaan-darro oo gudaha dalka Kenya ka dhacayey awgeed, balse horraantii sannadkan ayaa waxay  ku soo biireen howgalka AMISOM.
SomaliSwiss  Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.