Xisbul Islaam oo sheegtay in ay isaga bexeen Al-Shabaab.

Xisbul Islaam oo horey qeyb uga ahaa ururka Al-Shabaab ayaa haatan sheegay in uu ka baxay ururkaasi. Afhayeen u hadlay Xisbul Islaam ayaa BBC u sheegay in maanta laga billaabo aanay qeyb ka ahayn Al-Shabaab. Continue reading

Madaxweynaha Soomaaliya oo u wakiishtay C/Weli Gaas in uu ka qayb galo shirka guud ee Qaramada Midoobay.

Waxaa magaalada New York ee  xarunta Qaramada Midoobay gaaray C/weli Gaas isagoo khudbad ka jeedin doona shirka golaha ammaanka oo maalinta Khamiista ah furmi doono arrintan ayaa ka danbeysay iyadoo la sheegay in madaxweyaha cusub ee Soomaaliya uu horay u sheegay in uusan ka qaybgali karin shirkaasi duruufa jira awgeed. Continue reading

Dad Xoolo dhaqato Soomaaliyeed ah oo ciidamada Kenya ay ku laayeen deegaanka Jannaay ee Gobolka Jubbada Hoose.

Waxaa lagu soo warramayaa in deegaanka Janaay-Cabdala oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ay Ciidamada Kenya ee qayb qaadanaya howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay ku laayeen dad xoolo dhaqato Soomaaliyeed ah oo aan waxba galabsan, sidaas waxaa saxaafadda u xaqiijiyay afhayeenka ciidamada dowladda ee Jubbooyinka, Col. Aadan Axmed Xirsi (Rufle). Continue reading

Xildhibaannada Baarlamanka Soomaaliya oo Maanta yeelanaya kulan aan la shaacin ajandahiisa.

War naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ay kulan ku yeelanaya maanta xarunta golaha shacabka ee Muqdisho, kaasoo aan la ogeyn ajandayaasha ay uga hadli doonaan. Continue reading

%d bloggers like this: