Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Cusub oo lagu magacaabo Mustaf Xaaji Maxamed oo caawa lagu dilay Muqdisho.

Allaha u naxariistee Xildhibaan Mustaf Xaaji Maxamed oo ka tirsanaa Xildhibaannada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhow dil loogu geystay magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa waxaa toogasho ku dilay salaadii maqrib kadib kooxo ku hubeysan bastoolado, kuwaas oo iyagu dilka u geystay xili uu Xildhibaanku kasoo baxayey masjid ku yaala degmada Waaberi oo uu salaadii Maqrib kusoo dukaday.

Allaha u Naxariistee Xildhibaan Mustaf Xaaji Maxamed C/llaahi ayaa ahaa Aabihii dhalay mid kamid ah Xaasaska Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Shariif Sh. Axmmed, taas oo lagu Magacaabo Faadumo Mustaf Xaaji Maxamed C/llaahi.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: