Taliyaha Booliska kenya oo caddeeyey in rag ka tirsan Al-Shabaab oo ka soo tallaabay Xuduuda Kenya oo doonayaan inay qaraxyo ka fuliyaan gudaha Dalka Kenya.

Taliska Booliska dalka kenya ayaa sheegay inay ka digayaan weeraro argigixisinimo ah oo rag ka tirsan al shabab oo aan soomaali aheyn oo ka soo cararay magaalada kismaayo ay ka geestaan dalka kenya .

General Mathew Iteere oo ah Taliyaha booliska dalka kenya ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray wuxxuu ku sheegay in shacabka kenya looga baahan yahay inay muujiyaan taxadar islamarkaana ay ka la shaqeeyaan ciidamada booliska dowladda kenya qataraha ku soo wajahan oo uu sheegay in xog ay heleen ay muujineyso in dalka kenya gaar ahaan magaalada nairobi ay ka dhici rabaan weeraro iyo qaraxyo ismiidaamin ah oo Al shabab ay qorsheenayaan waa sida uu warsaxaafadeedkiisa ku yiri Mathew Iteere.

Sidoo kale Taliyuhu wuxuu tilmaamay in jiraan rag ajaanib ah oo Al shabab ka tirsan oo kismaayo ka soo cararay, ayna u soo talaabeen dalka kenya, kuwaas oo kala ah labo nin oo u dhalatay dalka Masar , labo u dhalatay dalka Marooko iyo nin heysta dhalashada dalka faransiiska waxayna heleen xog ku saabsan inay abaabulayaan falal argigixisinimo ah.

Sarkaalka ugu sareeya ciidamada booliska kenya  Gen. Mathew Iteere ayaa sheegay in waqtiyada soo socda ay faafin doonaan sawirada ragaas si looga hortago qorshaha ay abaabulayaan.

Dhanka Dowladda kenya ayaa ku soo korodhay walwal xooggan tan iyo markii ay ciidamadeeda soo gelisay dalka soomaaliya waxaa gudaha dalkeeda ka dhacay weeraro iyo qaraxyo oo aysheegteen xarakada Al shabab.

SomaliSwiss      Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: