Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerararada is qarxinta ah ee ka socda magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Golaha Amaanka ee QM ayaa waxaa lagu canbaareeyey weerararadii is qarxinta ah ee ka socda magaalada Muqdisho, gaar ahaan kii  maalin ka hor kadhacay maqaayadii Village ee kasoo horjeeday daarta Hooyooyinka.

Sidoo kale War-saxaafadeedka ayaa waxaa lagu yiri “Golaha Amaanka waxa uu cambaareynayaa qaraxyadii ay ku geeriyoodeen shacabka faraha badan ee maalin ka hor ka dhacay agagarka guriga Hooyooyinka waxay qeyb ka yihiin falalka argagixisanimo oo inta badan ka dhaca Muqdisho” .

Dhanka kale Golaha Amaanka Q,M ayaa ugu baaqay maamulka sare ee dowlada Soomaaliya uu xil saaran yahay inay wax ka qabtaan amniga si loogu hortago qaraxyada iyo dilalka kasoo cusboonaanaya magalada Muqdisho.

Ugu dambeyntii War-saxafadeedkan ayaa lagu sheegay in Q,M ay aad ugu xun tahay wariyayaashii ku naf wayay qaraxyadii malintii Khamiista ka dhaca maqayada The Village ee ku taala qeyb hoose ee daarta Hooyooyinka.

Si kasta ha ahaatee war ka soo baxay safaaradda Maraykanka ee ku taala magaalada Nairobi ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxyadaasi ay ahaayeen kuwo ay fuliyeen dad aan damiir damqasho laheyn, sidoo kale safaaradda Maraykanka ee Kenya waxay cambaareysay qaraxyadaas.

SomaliSwiss      Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: